Xafladda Qalin Jabinta macallinimada ee Jaamacada Burco

May 6th, 2007

             Veterinary Student: – Ahmed Jama Hussein 

Munaasabad ballaadhan oo bishu markey aheyd April 26, 2007 ayaa waxa lagu qabtay jaamcadda Burco taas oo aheyd qalin jabin Ardeydii ugu horeysey ee jaamacadda Burco ka baxdey, xafladaas balaadhan ayaa waxa ka soo qayb galeen marti sharaf isugu jirta bahda jaamcadaha Somaliland iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo badhasaabka gobolka Tog-dheer iyo weliba shirkadaha ganacsiga ee kala duwan.  Hablahaas oo ay tiradoodo dhameyd 26 hablood waxay dhameys tirteen laba sanno oo macallinimo ah oo shahaadooyin ay ku qaateen shahaadooyinkaas oo uu gudoonsiineyey wasiir ku xigeenku iyo badhaasaabka gobolku 

Halkaas oo aheyd goob lagu xusey hidaha iyo dhaqanka hablaha ay wada siteen astaantii soomliyeed Maamulka jaamacadda oo intaas ku darey in ay ardeydu dadaalka ka kordhiyaan iyo kuna ballan qaadey in sannad walba ay jaamcadda soo saarta Macallimiin ilaa iyo heer secondary wax ka dhigi karta ay macallimiintuna ay dadaalkooda shaqo ahaan ay kordhiyaan oo ay ardey diintooda iyo dalkooda anfacda soo saaraan.           

Halkaas oo Abwaan Hadraawi intaas u raaciyey inay ardeygu yahay muraayadda macallinkku isku daawado uuna macallinka hadba sida uu yahay inuu ardeyguna noqanayo.                        Ugu danbeyn maamulka Jaamcadda Camuud Saleebaan Guuleed ayaa isna ka sheegey xafladda in ay macallimiintu ay tusaale u noqdaan Bulashada reer Somaliland oo ay si hawl kar ah ay hawshoodii loo igmadey ay fuliyaan qaran iyo qabiil isku mid ahna laga wada dhigo  Gudoomiyaha wasarada waxbarashada ee Burco ayaa isna intaa u raaciyey in ay ardeydan qalin jabisey ay hadda macallinimo diyaar u yihiin laguna siiyey tababar ilaa iyo 4 bilood ah magaalada dugsiyadeeda kala duwan oo isla hadda wasaaradda ay shaqaale macallimiin ah u qoran yihiin. .

..

.

May 6th, 2007

Xaflad lagu xusay habeenka Burco oo lagu qabtay jaamacadda Burco

April 6th, 2007

Veterinary student: – Ahmed Jama Hussein 

Burco(jaamacadda burco) 29 march, 2007 munaasibad  ballaadhan oo loogu tallo galey habeen loogu magac darey “habeenkii Burco” oo loogu soo nooleynayo dhaqanka,fanka iyo suugaanta soomaaliyeed ayaa lagu qabtey xarunta jaamcadda Burco, ee gobolka togdheer.
Munaasibadaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka jaamcadda Burco iyo abwaankii caanka ahaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “hadraawi”, waxaana ka qayb qatey marti sharaf kala gedisan oo ka kala yimid gobolada Somaliland oo isagu jiro abwaanno sida abwaan Cabilaahi Caara dhuub, abwaan Axmed Aw Geedi,abwaan Foosiya Ibraahim Warsame iyo abwaanka dhalinyarada c/qaadir jaamac cawl waxaa kale oo xafladda ka soo qayb galey aqoonyahano, maamulka jaamcadda Burco, Guddidda jaamcadda iyo xubno kale oo ka socda shirkadah Ganacsiga ee gobolka Tog-dheer.
Hinda Maxamed Jaamac iyo Maxmuud Adan Dheri oo ka mid ah Gudida Jaamacadda Burco ayaa ballan qaaday in habeenkaas “Habeeka Burco” uu yahay habeen taariikhda burco baal dahab ah ka geli doona oo la sii wadi doono barnaamijkan. Xafladaas oo koobsatey macnaha hiddaha iyo dhaqanka soomaliyeed ayaa waxa si xiise leh oga socotey gudaha jaamcadda Burco.

Abwaan Hadraawi oo gabagabdii xafladda ku xusay in la horumariyo lana dhiirigeliyo dhaqanka oo aan laga sal guurin. 
Abwaan Hadraawi oo dhawr jeer carabka ku dhuftey in ay suugaantu ay tahay faylka waadaanta oo lagu kala danbeeyo kacaanka hadda doob dilaacsadey  saaxadda taagan loo baneeyo si ay codkooda faneed ugu ciil baxaan.

habeenkan burco uu noqdo habeen la xuso sannad walba.

RUGTA CILMI BAADHISTA

March 17th, 2007

                               Deanka xarunta Rugta: -       
                                     Mohammed Ibrahim Warsame ‘’ HADRAWI’’
                                          
             Xafiiskani waxa uu ku magaacaban yahay, Xafiiska cilmi baadhista, waa xafiis waqtigan xaadirka ah sabool ah oo ka arradan qalabka iyo adeeggii wax lagu fulin lahaa iyo ciddii fulin lahayd, laakiin himilada iyo hirarka uu hig sanayaa fogtahay haddii ay suura gal noqoto. Waa xafiis bilicaws ah oo u baahan in horta isaga la dhiso si uu hadhow u dhiso ujeedada laga leeyahay, iyo xilka uu u magaacaban yahay. Taasina waxay ku xidhan tahay sida xafiisku ummadda ugu soo ban dhigo qorshihiisa iyo sida ummaddu uga fal celiso ama uga jawaabto gudaha iyo debedda labadaba.
                  Waxaa suura gal ah in xafiisku wax tar yeelan doono hadii uu kaga dhabeeyo inuu noqdo xafiis umadu leedahay oo tacabka iyo taladooda ku dhisan. Ilaa hada waxaa xafiiska yaala shan kursi iyo laba miis, waxaa yaala kabadho fara badan oo aad u waaweyn oo dhinaca isku haya, laakiin loogu talo galay in la buuxiyo mustaqbalka soo socda. Ilaa hada cida xafiiska hoos fadhida waa nin keliya oo magiciisa la yidhaahdo Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi). Laakiin ninkaasi waxa uu weshanayaa dedaalka ENG. Xuseen MAxamed Xandule waa Burao University Vice Chanceller, iyo kaallinta Hinda Maxamed Jaamac oo dhawr shay oo tusaale ah xafiiska ku soo kordhisay laakiin hadh iyo habeen heegan u ah sidii xafiiskaasi hana qaad u noqon lahaa, ninka xafiiska hoos fadhiya waxaa kale oo uu weheshanayaa isku kal sooni iyo rajo qalbigiisa ku jirta.
       
                 Bulshada Soomaaliyeed waxay hada ka hor ahaan jirtay xoolo dhaqato reer guuraa ah, waxaa dhaqaaleheedu ka koobnaa afarta maysi ee isu dheeli tira nolosha xoola dhaqatada oo kala ah Gammaan, Geel, Lo, Ido, Riyo, dhaqaalahaasi wuxuu umada khasab kaga dhigay in ay aqoon  u yeelato nolosha ay dhex joogto si ay uga jawaabto baahida iyo daryeelka xoolaha ama  dhaqaalaheeda balaadhan ee ay gacanta ku hayso. Waxaa suurto gal u noqotay umada in ay is waafajiso dhaqaaleheeda iyo aqoonta lagu dhaqayo, sidaas ayey ugu sahamin jirtay, ugu xidigin jirtay ugu meel deyi jirtay si badbaadada xooluhu suuragal u noqoto. Umada iyo dhaqaalaheedu waxay ku tiirsanaayeen Illaahay tiisa, tacabkeeda, aqoonteeda taladeeda sugan iyo qorshe ku dhisaan wada jir iyo hawl qaybsi, iyadaa nolosheeda dawlad ka ahayd, iyadaa talada iyo qorshaynta nolosha gooni ku ahayd, dhan walba iyada ayaa iskaga filayd.

                  Sanadkii 1884 Shirkii Baarlin googoyntii Africa iyo gumaysigii reer Yurub, xaalado cusub, aragti aan waafaqsanayn umada dhaqaalaheeda, dhaqankeeda iyo caqiidadeeda ayey soo kordhisay taladii iyo maamulkii dalka ayey la wareegeen socodkii taxanaha ahaa ee geedigii nolosha ayey is hortaageen.
           
                 Ilaa maalintaas umadu waxay ku sii durkaysaa qaab nololeedkeedii dhidibada iyo tiirarka adag lahaa, waxay ku sii ambanaysa mugdi iyo gudcur  oodan iyo aragti leh sawir iyo sawrac aanay garanayn waxaa ka sii lumaya isku kalsoonidii, dadaalkii iyo dardartii ay tacabka nolosha ugu jilib dhigi jirtay. Ilaa hada waxay ku sii qul qulaysaa xero weyn oo qoxooti ah waxay tuban tahay gawaan iyo goobataal darxumo waxay ka simantahay jahli iyo faro madhnaan oo aanay garanayn meel ay uga dhaqaaqdo, waxay ku dhowdahay inay isu dhiibto fadhi iyo quus haddii ay sidaas ku sii socoto. Intaas oo dhami waxay inagu baraarujinaysaa dhibaato iyo dhiilo soo socota.
                 Gunaanadka warbixintan waxa weeye, malaa waa laga wada dheregsan yahay xaalada dalka iyo dadku maanta ku sugan yahay, is bedel nololeedna waxa uu ku xidhan yahay dadka oo horta is bedel ku yimaado. Taasina waxay ku xidhantahay dareen cusub iyo dadaal aan loo kala hadhin. Hab iyo hanaan dadka lagu soo dabaalo xadkii iyo xaydaankii ay ku xasili lahayd, milgaheeda, maamuuskeeda magaceeda iyo sharafkeeda wuxuu ku xidhan yahay daba qabasho. Waxaynu u baahanahay in dadka aqoon iyo xikmad iyo qorshe toosan lagu baraarujiyo oo lagala dagaalamo caadooyinka iyo dhaqamada xun xun ee waqtigan xaadirka ah la qaayibay sida:
1.         Aragtida humaagga ah ee la liqsiiyey iyo fikradaha beenta ah ee ay nolosha ka haysato.
2.       Fadhiga, quusta, tacab la’aanta iyo faro madhnaanta.
3.       Qabiilka, Qaadka, Balwooyinka iyo aafooyinka kale ee la aaminsiiyey.
4.       Siyaasad shaqo ka dhigashada.
5.       Haloosiga iyo haasaasaha aan macnaha lahayn ee waqtiga lagu lumiyo.
6.       Dhaqaalaha sida khaladka ah loo isticmaalayo.
7.       Ka hawoodka Hidaheeda iyo diinteeda.
8.       Waxay u baahan tahay (ummadu ) in lagu soo dabaalo nolol aan ku xidhnayn ictiraaf, iyo hay’ad  dalka maamusha.
9.       Soo noolaynta Anshaxii, asluubtii, hankii iyo hufnaantii ummadu lahaan jirtay.
Rugtani waxay qayb wayn ka qaadan kartaa haddii dadka gudaha iyo dibadda gacan laga helo. Waxaa kale oo rugtani u xil saaran tahay inay ka dhabayso arimahan soo socda hadii talo iyo tusmo lagu kordhiyo.


  1. Soo noolaynta Afkii hooyo ee hodanka ahaa hayeeshee ku sugan inuu tasoobo kadib markii looga jeestay lagana door biday in lagu bedelo luuqado shisheeye gaar ahaan Ingiriisida kadib markii laga dhigay muftaaxa nolosha.

  2. Soo noolaynta ummada hankeedii gaar ahaan Falsamidii iyo farshaxanimadii haweenka.

  3. In dib loo abaabulo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka iyo in da’yarta lagu beero.

  4. In la joogteeyo kulamo Suugaaneed oo loola jeedo dhalin yarada.

  5. Ururinta, kaydinta, faafinta suugaanta ummadu leedahay hadal iyo hawraar iyo gaadhsiinta shacabka gudaha iyo dibada.

  6. Habaynta iyo caalamiyaynta (Tarjumid) suugaanta umadu leedahay.

  7. Danaynta dhaqamada beesha caalamka iyo is dhaafsiga dhaqamada.

  8. In U dambayn sawirka foosha xun ee umada ku gudban lagu bedelo sawir qurux badan oo laysku daawado.  

  

University Of Burao

March 5th, 2007

Veterinary student: Ahmed Jama Hussein
 
The University of Burao is the fastest growing university in Somaliland; it first opened in the ninteenth of June 2004 in a small place because the university building was not yet finished, And now in only three years everything has been changed, it is now one of the best universities in Somaliland.
The university enrolled its first students in intensive English for the first six months. After the first semester the university moved to new the building.
Now there are four faculties which are the Business department, Veterinary department, teacher-training centre and Islamic study faculty.  
Today students have all they need to be university students; they have a library which contains almost 30,000 books, a computer room which has 23 computers, two functioning veterinary laboratories, one practical and the other scientific.

The Muslim Aids UK gave the university a very big help in equipping the veterinary laboratory and the computer room in sending  30 computers, 6 UBS’s and other important things, a photo copy machine, network device, fax machines, a laptop, printer, scanner. And they are very thankful for what they have done for us.

Both the business and veterinary faculties were facing problems in lack of teachers and soon it was solved, the university brought well qualified doctors and professors from the University of Khartoum (Sudan). Dr. Nasro din, Dr. Ali Bashir, and Professor Sheriff Mahjoub Mohammed. Ali Bashir has PHD in Anatomy, Nasro Din and Sheriff has Masters, Nasro din in Histology and sheriff accountings.span Student have an important role in helping the university in lots of things like arranging student unions for the students, a newspaper for the university, and now the students can think of sports and start arranging football teams, basketball teams, after making the new basketball court and volleyball as well. The university is working hard for the students and we in return should give them a hand.

Haweenka Soomaaliyeed ee degen Nairobi oo deeq lacageed u soo gudbiyey Jaamacadda Burco

May 6th, 2006

Alle ha ka wabaal mariyee waxay haweenka soomaaliyeed ee degen magaalada Nairobi ee dalka Kenya u soo gudbiyeen maamulka Jaamacadda Burco deeq lacageed oo dhan shan kun iyo shan boqol oo doolar ($5,500). Lacagtaasi waxay u soo gaadhay jaamacadda laba dufcadood oo kala ahaa mar shan kun oo doolar ($5,000) iyo mar shan boqol oo dolar ($500) ah. Waxay maamulka iyo gudida ama university council ay si wada jir ah uga mahad naqayaan kaalmadaas iyo dadaalkaas dheeriga ah eey ay sameeyeen hablahaasi. Waxaanu mahad gaara u soo jeedinaynaa Raaqiya Haaji Duale sidii ay u abaabushay xafladii fund raising ee halkaa ka dhacay iyo soo gudbinta lacagta oo ay soo dhigtay Dhabshiil. Waxaanaanu leenahay dhamaantiin maalka ,cilmiga iyo awlaadaba Ilaahay barako ha idiin geliyo Amiin Aamiin.

Eng. Hussein M. Handulle

Wershadii dalka ugu weynayd oo la furay

March 30th, 2006

Wershada Saabuunta Budada ah ee Ileys ayaa 25/03/06 ay xadhiga kaga jareen magaalada Burco, madax uu hogaaminayo madax wayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland, mudane Ahmed Yusuf Yasin. Waxaa madaxda kale ka mid ahaa Cabdi Waraabe iyo xildhibaano kale oo ka tiran labada gole.

Wershadan oo ay ku baxday lacag dhan $5,000,000 (Shan milyan oo doolar) waxaa isugu tegey oo maalgashaday dhaliyaro reer Somaliland ah oo gaadhay ilaa 110 qof. Waxaa daraasada wershada la bilaabay sanadkii 2000, saacadii waxay soo saari kartaa 5 tons oo saabuunta budada ah, markaa sanadkii wax soo saarkeedu wuxuu noqonayaa 36,000 tons.

Waxaa hada wershadu ku shaqo bilowday shaqaale dhan 150 qof, waxaana u qorshaysan in shaqaalaha la gaadhsiiyo ilaa 300 qof mustaqbalka. Alaabta qaydhin ee hada saabuunta laga sameeyo waxaa laga keenaa China waxaase wershada u qorshaysan in ay waqti dhow ay ku daraan line samaynaya alaabtaas qaydhin oo u badan Soodhiyan Sulfayt. Taasina keeni doonto korodhka shaqaalaha.

Wershada wax soo saarkeeda waa mid loogu talo galay ama dabooli kara baahida wadankeena iyo kuwa la deriska ah ah.

Waxaanu leenahay Alle ha idin la qabto dhaqsana uga liibaana, tusaale wanaagsan u noqda dhalinta badan lacagtooda yar yar ninba meel ku hayso waayey muqaalafo iyo guts ayey intay isu tagaan wadankooda gashadaan!

Eng. H.M.Handulle
Vice Chancellor

Shirkada Telesom oo balan qaaday inay dhamaystirto masaajidka qabyada ah ee jaamacadda Burco

March 30th, 2006

Shirkada telefoonada Telesom ee xarunteeda dhexe tahay magaalada Hargeysa islamarkaasba xarunteeda labaad ay tahay Burco, ayaa balan qaadyo aad qiimo u leh u samaysay jaamacadda Burco. balan qaadyadaas waxaa ka mid ah:
-Inay dhamaystiraan masaajidka jaamacada Burco
-Inay hada siinayaan $5,000 oo ah gaar gaar
-Inay bixin doonaan gaar gaar sanad walba taasoo inat uu noqon doono ay soo cayimi doonaan Boardka shirkadu markay isugu yimaadaan shirkooda ugu horeeya

Waxaa xusid mudan in aanay ahay markii ugu horeysay ee shirkada Telesom ay ka qayb qaadato mashaariicda lagu hormarinayo gobolka Togdheer, waxay shirkadu hore ugu deeqday inta aan ogahay $5,000 dhismaha biriijka cusub.

Alle ha ka abaal mariyo shaqsiyaadkiika soo shaqeeyey, shirkadana Alle ha barakeeyo…Aamiin

Eng. H.M.Handulle

Saed Ahmed Salaan oo kafaalo qaatay fiiga 5 arday

March 30th, 2006

Saed Ahmed Salaan oo ka tirsan dhalinta ugu dadaalka badan jaaliyada reer Somaliland ee Saudi Arabia, ayaa balan qaaday inuu fiiga ka bixinayo 5 arday oo dhigta Jaamacadda Burco. Saed ardyadaas oo uu u soo xilsaaray in gudida iyo maamulka jaamacadu soo xulaan iyadoo la raacayo shuruudahan:
-Waa in la tixgaliyaa dadka saboolka ah
-Waa in labo hablo noqdaan
-Waa in sadex wiil kana qondaan sadex kala qabiil ah

Iyadoo shuruudahan maamulku eegayo ayuu soo diyaariyey list 7 arday, waxaa laga sugayaa gudida jaamacadu si furan oo ay ardayduna goob joog tahay inay 5 uga xulaan. Wuxuu kaloo Saed balan qaaday inuu jaamacadda ka caawinayo soo daabicista shahaadooyinka iyo wixii kale printing loo baahdo.

Waxaanu Ilaahay uga baryeynaa inuu maalka, awlaada iyo cilmigaba u barakeeyo. Arintan uu horseedayna lagaga daydo waayo ardaydu dhamaan waxay u badan yihiin kuwo fiiga bixintiisu ku dhib tahay. Jaamacadda ilaa iyo hada lacag gaadhaysa ilaa $5,000 dollar ayaa kaga maqan arday oo ah fiiga lagu leeyahay ardayda soo qaban wayday waana arin ka taagan ilaa Jaamacadaha kale ee wadanka sida Hargeys.

Eng. H.M.Handulle
Vice Chancellor

Qalab Sports oo Jaamacada loogu deeqay

March 29th, 2006

Hassan Waraabe Cade oo ah ninka ugu firficoon dhalinta isboortiga Somaliland, degena dalka Norway, ayaa maanta 29/03/06 subanimadii xarunta jaamacadda nagu gudoonsiiyey qalab sport oo uu u siday jaamacadda Burco. Hassan wuxuu ku sugnaa magaalada Burco laba maalmood halkaas oo uu soo wada eegay garoomada istoortiga ee magaalada , lana kulmay dhalinyarada aadka u firfircoon ee magaalada, wuxuu kaloo soo egay dhamaan mashaariicda ka socda magalaada sida wershada saabuunta ee dhawaan la furay, campusyada jaamacadda, bridge dhismuhu ku socdo iyo istbitaalka maskada oo isna weli aan dhamayn.

Qalabkaasi wuxuu ka koobnaa iyo warqadii aknowledgemt ka ahayd ee aanu u qoran waa tan:

We are here to confirm receiving the following sport equipments from Hassan M. Abdalla representing Somaliland Youth & Sport Association.

· Complete table tennis
· Score board
· 31 Rackets
· 216 Binge balls
· Soccer ball
· 6 T-shirts

We are thankful to both Somaliland Youth & Sport Association and International Table Tennis Federation (I.T.T.F) who is the provider of these equipments. We look forward in future co-operation to encourage the Somaliland youth to be active in sports.

Sincerely,

Eng. H.M. Handulle
Vice Chancellor